Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Shabeelada Hoose iyo Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay saldhigyo ku lahaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaanka Basra lala beegsaday xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale duqeymo kale ayaa waxaa ay ka dhaceen degmada Sablaale, Kuunya Barow iyo Haawey, iyadoona la bartilmaameedsaday saraakiil sar sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaalya, kaasi oo ku aadan in ay Faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha iyo goobaha la duqeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles