Wednesday, June 24, 2026

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka lix kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kaddib markii uu dumay dhisme uu shaqadiisu ka socotay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal  ayaa sheegay in birihii shubka ee lagu dhisayey guriga ay go’een, taasi oo keentay in dhismuhu si lama filaan ah u dumay, iyada oo ay shaqaale badan ku sugnaayeen gudaha guriga xilligaas.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in xaaladoodu ay tahay mid aad u daran, maadaama ay ku hoos jireen burburka dhismaha muddo dheer.

Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa halista ka jirta tayada liidata ee dhismayaasha laga wado magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin hay’ad dowladeed ama maamul deegaanka ah oo si dhab ah u kormeera ama u qiimeya amniga iyo tayada dhismayaasha.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee dhisme ku dumay magaalada, waxaana horey u dhacay shilal la mid ah kuwan oo kale, iyagoona sababay khasaare naf iyo maalba leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles