Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu waynaa ee Maleeshiyaadka Daacish ay ku lahaayeen aaga Miraale ee Gobolka Bari.

War ka soo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay dhawr jiho ay ka wareereen Ceelka biyaha oo ahayd halkii ugu weyneyd oo Talis u ahayd kooxda Daacish, in ka badan 10kii sanno ee lasoo dhaafay.

“Waa kamid ah guulihii u waynaa oo ay Puntland gaartay, xaqiijinta in si buuxda gacanta loogu dhigay Taliskii u dambeeyey oo rasmi ah ee Argagixisada Daac1sh, waxaana la aaminsan yahay in ay hadda u firxadeen dhinaca Togga Baalade’e.” ayaa lagu  yiri qoraalka.

MIIRAALE: waa mid kamid ah Togaga ugu deegaanada badan Buuraleyda Calmiskaad, waxaana horey loo soo qabtay Togga Jeceel & Ina Caadoole, oo ay ku dhexyaalaan degaano badan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay howlgal amniga xaqiijin ah ay ka wadaan gudaha Taliska iyo goobo kale oo laga saaray maleeshiyaadka Daacish.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles