Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah oo lagu dooranayey xildhibaanada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee  Hirshabeelle, bulshada rayidka ah, iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta la dooranayey, Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble.

Waxaa doorashada ka qeyb galay 101 ergo oo si xor ah u coddeeyey, waxaana doorashadu u dhacday si habsami leh iyo jawi nabadeed.

Natiijada Doorashada:

  1. Kursiga Hop097 waxaa ku guuleystay Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 cod.
  2. Kursiga Hop098 waxaa ku guuleystay Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 cod.

 

Natiijada rasmiga ah ee doorashada waxaa ku dhawaaqay Commissioner Cabdi Caddow Maxamed oo ka socday Guddiga Doorashooyinka.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo xubnaha ka maqan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles