Wednesday, June 24, 2026

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah oo lagu dooranayey xildhibaanada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee  Hirshabeelle, bulshada rayidka ah, iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta la dooranayey, Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble.

Waxaa doorashada ka qeyb galay 101 ergo oo si xor ah u coddeeyey, waxaana doorashadu u dhacday si habsami leh iyo jawi nabadeed.

Natiijada Doorashada:

  1. Kursiga Hop097 waxaa ku guuleystay Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 cod.
  2. Kursiga Hop098 waxaa ku guuleystay Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 cod.

 

Natiijada rasmiga ah ee doorashada waxaa ku dhawaaqay Commissioner Cabdi Caddow Maxamed oo ka socday Guddiga Doorashooyinka.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo xubnaha ka maqan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles