Taliyaha NISA oo markale loo magacaabay Mahad Salaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Mahad Salaad ayaa xilkan horay u soo qabtay sanadkii 2022, wuxuuna mar kale xilkan kusoo laabanayaa isagoo beddelaya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xilka laga qaaday.

Waa siyaasi ruug-caddaa ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federaalka, Waxaa uu ka mid yahay xubnaha saameynta ku leh Villa Somalia.

Wuxuu horey u ahaa Xildhibaan iyo Agaasimihii hore ee NISA xilligii Madaxweynaha uu xilka markale qabtay 2022.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayay xaalado amni, siyaasadeed iyo isjiid-jiidyo dhinaca maamulka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles