Wednesday, June 24, 2026

Malaayiin Muslimiin Xujey ah oo maanta tagaya magaalada Barakeysan ee Mina

Waxaa si rasmi ah u bilaabatay gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan, iyadoo ku-dhowaad laba milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid dalalka dunida, ay maanta u guureen deegaanka barakaysan ee Mina, si ay u gutaan rukunnada waaweyn ee Xajka.

Xujeyda, oo ay ku jiraan in ka badan 11,000 oo Soomaali ah, ayaa ka dhaqaaqay hoteeladii ay degganaayeen gudaha magaalada Makka, iyaga oo degay teendhooyin si gaar ah loogu diyaariyey Mina. Berri ayaa la filayaa inay istaagaan Buurta Carafo, taasoo ah mid ka mid ah rukunnada ugu muhiimsan ee Xajka.

Maalinta xigta, oo ah Ciidda Carafo (Ciidul Adxaa), ayay xujeydu gudan doonaan acmaasha ugu weyn ee Xajka, oo ay ka mid yihiin:

Dhagax-tuurka (Jamaraat),

Xiirashada timaha,

Dawaafka Beytka (Xaramka Makka).

Kadib gudashada acmaashaas, xujeydu waxay dhowr maalmood ku sugnaan doonaan Mina iyaga oo sii wadanaya dhagax-tuurka, waxaana ay markaa bilaabi doonaan isu diyaarinta safarkooda ku noqonaya dalalkooda.

Xajka sanadkan wuxuu kusoo aaday  xilli ay cimiladu sareyso, taasoo keentay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay kordhiyaan adeegyada caafimaadka, qaboojinta iyo gaadiidka si xujeydu ugu gutaan waajibaadkooda si nabad ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles