Sunday, August 31, 2025

Malaayiin Muslimiin Xujey ah oo maanta tagaya magaalada Barakeysan ee Mina

Waxaa si rasmi ah u bilaabatay gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan, iyadoo ku-dhowaad laba milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid dalalka dunida, ay maanta u guureen deegaanka barakaysan ee Mina, si ay u gutaan rukunnada waaweyn ee Xajka.

Xujeyda, oo ay ku jiraan in ka badan 11,000 oo Soomaali ah, ayaa ka dhaqaaqay hoteeladii ay degganaayeen gudaha magaalada Makka, iyaga oo degay teendhooyin si gaar ah loogu diyaariyey Mina. Berri ayaa la filayaa inay istaagaan Buurta Carafo, taasoo ah mid ka mid ah rukunnada ugu muhiimsan ee Xajka.

Maalinta xigta, oo ah Ciidda Carafo (Ciidul Adxaa), ayay xujeydu gudan doonaan acmaasha ugu weyn ee Xajka, oo ay ka mid yihiin:

Dhagax-tuurka (Jamaraat),

Xiirashada timaha,

Dawaafka Beytka (Xaramka Makka).

Kadib gudashada acmaashaas, xujeydu waxay dhowr maalmood ku sugnaan doonaan Mina iyaga oo sii wadanaya dhagax-tuurka, waxaana ay markaa bilaabi doonaan isu diyaarinta safarkooda ku noqonaya dalalkooda.

Xajka sanadkan wuxuu kusoo aadayย  xilli ay cimiladu sareyso, taasoo keentay in masโ€™uuliyiinta Sacuudiga ay kordhiyaan adeegyada caafimaadka, qaboojinta iyo gaadiidka si xujeydu ugu gutaan waajibaadkooda si nabad ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles