Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa horudhac u ah gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay 15ka Juun 2025.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda.”

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay wadatashi dhab ah oo ku dhisan xeerinta danta guud, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sii xoojiyo isu diyaarinta gogosha.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles