Israa’iil oo weerar xooggan ku qaadday Suuriya

Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay duqaymo la beegsadeen “hubka taliska Suuriya ee koonfurta dalkaasi”, halka kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ay sheegtay in duqeymahaasi ay ku soo beegmayaan iyadoo duqeymo xooggan ay ka dhaceen hawada Suuriya.

Kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa intaa ku daray in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Quneitra iyo Darcaa ee koonfurta Suuriya taasoo ka dhalatay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil.

Waxay xustay in la bartilmaameedsaday guutada 175-aad ee u dhow magaalada Izra, agagaarka Tal al-Mal ee waqooyiga Daraca, iyo Tal al-Shaar oo u dhow Quneitra. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Kormeerayaasha ayaa intaa ku daray in duullaanka Israa’iil uu jawaab u ahaa laba madfac oo laga soo riday Suuriya kuna sii jeeday Israa’iil.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles