Malaayiin Muslimiin Xujey ah oo maanta tagaya magaalada Barakeysan ee Mina

Waxaa si rasmi ah u bilaabatay gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan, iyadoo ku-dhowaad laba milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid dalalka dunida, ay maanta u guureen deegaanka barakaysan ee Mina, si ay u gutaan rukunnada waaweyn ee Xajka.

Xujeyda, oo ay ku jiraan in ka badan 11,000 oo Soomaali ah, ayaa ka dhaqaaqay hoteeladii ay degganaayeen gudaha magaalada Makka, iyaga oo degay teendhooyin si gaar ah loogu diyaariyey Mina. Berri ayaa la filayaa inay istaagaan Buurta Carafo, taasoo ah mid ka mid ah rukunnada ugu muhiimsan ee Xajka.

Maalinta xigta, oo ah Ciidda Carafo (Ciidul Adxaa), ayay xujeydu gudan doonaan acmaasha ugu weyn ee Xajka, oo ay ka mid yihiin:

Dhagax-tuurka (Jamaraat),

Xiirashada timaha,

Dawaafka Beytka (Xaramka Makka).

Kadib gudashada acmaashaas, xujeydu waxay dhowr maalmood ku sugnaan doonaan Mina iyaga oo sii wadanaya dhagax-tuurka, waxaana ay markaa bilaabi doonaan isu diyaarinta safarkooda ku noqonaya dalalkooda.

Xajka sanadkan wuxuu kusoo aaday  xilli ay cimiladu sareyso, taasoo keentay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay kordhiyaan adeegyada caafimaadka, qaboojinta iyo gaadiidka si xujeydu ugu gutaan waajibaadkooda si nabad ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles