Qarax xoogan oo ka dhacay caasimadda gumaystaha Yahuuda ee Tel Aviv

Qarax xoogan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Tel Aviv, Israel, subaxnimadii hore ee maanta, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo ay ku yaallaan dukaamo, maqaayado, iyo xarumo ganacsi, taas oo keentay in dad badan ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu qaraxu dhacay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo ka baxsan goobta uu ka dhacay. Ciidamada booliska iyo kuwa gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay howlgallo lagu badbaadinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxa. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka degdega ah ee ambalaasta iyo dab-demiska.

Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay meel u dhow qunsuliyadda Mareykanka uu sababay dhimashada hal qof oo ka dhacay dhismo ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa kale oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Ciidamada amniga ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si ay u ogaadaan sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysa. Ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Ra’iisul wasaaraha Gumaystaha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay fal argagixiso oo arxan darro ah. Wuxuu ballanqaaday in dowladdu ay sameyn doonto wax walba oo ay ku xaqiijin karto nabadda iyo amniga Israel.

Weerarkan ayaa imanaya xilli xaaladda amni ee gobolka ay kacsan tahay, iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo colaado u dhexeeya Israel iyo Mujaahidinta degaannada Falastiin oo dhulkooda difaacanaaya.

WARARKII KALE

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

Xuutiyiinta oo weerarro ku beegsaday garoomo diyaaradeed oo Sacuudiga ku yaalla

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles