Tuesday, January 13, 2026

Dagaal Khasaaro Dhimasho ah Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaarayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba beelood uu ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, xilli la gubay suuqa degmada.

Dadka geeriyooday ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, waxaana wararku sheegayaan in sedex kamid ah ay yihiin dumar, dagaalka ayaa ka bilowday dil ay isku geysteen laba nin oo ka kala tirsanaa labada maleeshiyo beeleed.

Marka laga soo tago geerida dadka waxaa sidoo kale oo jira dhaawaca sedex ruux, sida uu sheegay laanta VOA-da Cabdirashid Ugas Bilow Ugas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada oo manta shaqaaqo ka dhacday.

Ugaaska ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso dhul ku yaallo degmada, kaas oo dhowr jeer la isku qabsaday, waxaana intaas uu raaciyay in maamulka degmada dhowr jeer isku dayay inuu kala dhexgalo laakiin ku guuldareystay.

Dagaalka ka dhacay magaalada Luuq ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer dagaallo sidaan uga dhaceen aan lagu guuleysan in xal laga gaaro, dagaallada dhacaya ayaa inta badan salka ku haya dhul la isku hayo in la deegaameeyo.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles