Dagaal Khasaaro Dhimasho ah Sababay oo Ka Dhacay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaarayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba beelood uu ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, xilli la gubay suuqa degmada.

Dadka geeriyooday ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, waxaana wararku sheegayaan in sedex kamid ah ay yihiin dumar, dagaalka ayaa ka bilowday dil ay isku geysteen laba nin oo ka kala tirsanaa labada maleeshiyo beeleed.

Marka laga soo tago geerida dadka waxaa sidoo kale oo jira dhaawaca sedex ruux, sida uu sheegay laanta VOA-da Cabdirashid Ugas Bilow Ugas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada oo manta shaqaaqo ka dhacday.

Ugaaska ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso dhul ku yaallo degmada, kaas oo dhowr jeer la isku qabsaday, waxaana intaas uu raaciyay in maamulka degmada dhowr jeer isku dayay inuu kala dhexgalo laakiin ku guuldareystay.

Dagaalka ka dhacay magaalada Luuq ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer dagaallo sidaan uga dhaceen aan lagu guuleysan in xal laga gaaro, dagaallada dhacaya ayaa inta badan salka ku haya dhul la isku hayo in la deegaameeyo.

WARARKII KALE

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles