Wednesday, August 19, 2026

Xamaas oo falka Isra’iil ku qabsatay doonta Madleen ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah xeerka caalamiga ah

Ururka Xamaas ayaa cambaareyn dusha uga tuuray falkii Israa’iil ku qoorateysatay doon ay saarnaayeen koox miigganeyaal caalami ah oo doonayey in ay gargaar bini’aadamnimo gaarsiiyaan dadka ku tabaaleysan marinka Qasa.

Kooxda hubeysan ee Xamaas ayaa war ay soo saartay ku dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo 12 qof oo isugu jira samefaleyaal, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad caan ah oo u ololeeya xaquuqda dadka reer Falastiin.

Warka ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay mas’uuliyad buuxda ka saaran tahay ammanka iyo bedqabka dadkaas, islamarkaana lagula xisaabtami doono wixii soo gaara.

Xamaas waxay dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobey iyo ururrada kale ee caalamiga ah in ay cambaareeyaan “dambigan”, islamarkaana ay jabiyaan go’doominta lagu hayo dadka reer Falastiin ee Qasa ku caddiban..

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles