Maleeshiyaad hubeysan oo ganacsade ku dilay Gobolka Mudug

Allah ha u naxariistee waxaa degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug lagu dilay Ganacsade C/fitaax ceynaanshe Xaashi oo kamid ahaa dad halkaas ka waday qodida waro lagu keydiyo biyaha.

Qofka dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal, ku sugan Afbarwaaqo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Marxuumka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe wajahaya dilal loo geysano dadka dhacabka, dagaal beeleedyo soo noqnoqday oo u dhexeeya beelaha wada dega gobolka, kuwaasi oo dhaawacaya dadaalladii nabadda ee ay wadeen Dowladda Federaalka iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Inta badan colaadaha ka dhacaya Mudug waxay salka ku hayaan muranka dhulka daaqsimeed, ceelal biyo, iyo aargoosi qabiil oo ka dhashay dhacdooyin hore oo aan si rasmi ah loo xallin. Hubka gacanta shacabka ku jira ayaa door weyn ka qaadanaya hurinta colaadaha.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles