Ku dhawaad โโ10 qof ayaa ku dhaawacantay kadib weerarkii ugu dambeeyay ee gantaalada Iran, sida uu sheegay adeegga gurmadka degdegga ah ee Israaโiil ee loo yaqaan Magen David Adom (MDA).
โIyadoo la raacayo digniinta siirga cas ee la maqlay dhowrkii daqiiqo ee la soo dhaafay, MDA, farsamo yaqaannada caafimaadka degdega ah iyo kalkaaliyayaal caafimaad ayaa loo diray goobta gantaallada lagu garaacay,โ ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay X.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inย in dadka wax ku noqday weerarka ay qabaan dhaawacyo fudud ilaa kuwa dhexdhexaad ah.
Kow iyo labaatan qof ayaa ku dhaawacmay gantaallada Iran ay ku garaacday gobolka xeebta dhexe ee Israaโiil.
Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israaโiil ee loo yaqaan Magen David Adom โ MDAโ ee Israaโiil ayaa sheegay in horey dadka looga daad-gureeyay halkasi.
Qoraallo ay dhawaan soo dhigeen bartooda X, MDA, waxay ku sheegtay in mid ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdiisu liidato, qaar kalena uu dhaawac xun soo gaaray, halka kuwa kale ay qabana dhawacyo fudud.


