Thursday, June 18, 2026

RW Xamsa oo daahfuray imtixaanka Shaadiga ee dugsiyada sare ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.

“Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni darrada iyo jahliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre , ayaa uga mahadceliyey ciidanka ammaanka kaalinta ay ka qaadanayaan xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka iyo gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha ka fog caasimadda, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku ay leeyahay.

-DHAMMAAD-

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles