Mahad Salaad oo maanta xilka la wareegaya

Waxaa lagu wadaa in Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu maanta  si rasmi ah xilka ula wareego, kaddib xil-wareejin ka dhacaysa Muqdisho.

Xilka waxa uu kala wareegayaa Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo xilkan hayay muddo kooban , tan iyo markii dib loogu magacaabay, Sanbaloolshe ayaa horey u soo noqday taliyaha NISA sanadkii 2017.

Dhanka kale, Mahad Maxamed Salaad ayaa xilkan markiisii hore loo magacaabay bisha Agoosto 2022, wuxuuna xilka hayay muddo 2 sano ah, kahor inta aan laga bedelin bartamihii 2024. Haddana, mar kale ayaa dib loogu soo celiyay xilka, taas oo muujineysa kalsoonida lagu qabo doorkiisa ku aaddan amniga qaranka.

Xil-wareejintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay dalka ka jiraan xaalado amni oo aad u xasaasi ah, waxaana laga filayaa in Taliyaha cusub uu wajaho caqabado iyo hawlo adag oo la xiriira dib-u-habeynta hay’adda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta sirdoonka gudaha iyo dibadda.

Waxaa la filayaa in madasha xil-wareejinta ay goob joog ka noqon doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale, iyadoo la dareemayo feejignaan amni oo sareysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles