RW Xamsa oo daahfuray imtixaanka Shaadiga ee dugsiyada sare ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.

“Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni darrada iyo jahliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre , ayaa uga mahadceliyey ciidanka ammaanka kaalinta ay ka qaadanayaan xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka iyo gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha ka fog caasimadda, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku ay leeyahay.

-DHAMMAAD-

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles