Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kadib maalin ka hor uu baaqday kulankooda.

Sida ku cad farriin rasmi ah oo loo diray Xildhibaanada, kulanka maanta ayaa lagu qabanayaa xarunta Villa Hargeysa, iyadoo ajendaha ugu weyn uu yahay

Akhrinta 2aad iyo codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, oo ay ka mid yihiin:

Muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka

Doodaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada

Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu sii wado kulamadiisa toddobaadkan, iyadoo laga sugayo go’aano miisaan leh oo saameyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si adag looga doodi doono qodobbada muranka dhaliyay ee dastuurka iyo doorashooyinka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles