Sunday, August 16, 2026

Shirka gogosha wadatashiga Qaran oo galay Maalintii Seddexaad iyo dhinacyada oo dood yeelanaya

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii seddexaad, iyadoo maanta si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha amniga, hannaanka doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka dalka.

Dood adag ayaa maanta la filayaa inay dhex marto dhinacyada kala duwan ee ka qeybgalaya, iyadoo qodobbada miiska saaran ay ka mid yihiin:

Sugidda amniga guud ee dalka

Dejinta hannaan doorasho oo mideysan

Dhammeystirka dib u eegista Dastuurka

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka maqan shirka ayaa horey u dhaliilay hannaanka uu madaxweynuhu u wajahay wada-hadallada, iyagoo ku eedeeyay inuusan daacad ka aheyn xal u helidda caqabadaha taagan.

Guddiga qaban-qaabada shirka  ayaa sheegay in maanta dhinacyada ay dood yeelan doonaa, waxaa ayna sheegeen in laga doodi doono qodobo ay ka mid yihiin amniga, Doorashooyinka iyo Dastuurka..

Labaddii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa Siyaasiyiinta ka qeyb galaya  shirkan ay jeediyeen talooyin wax toosin kara, waxaana talooyinkaas dhageysanayey Madaxweynaha, R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo guddiga dowladda ee ka shaqeynaya gogoshaan oo Wasiir Xasan Macalin uu hoggaaminayo.

Waxaana la filayaa in shirka maanta ama beri midkood la soo gabagabeeyo, iyadoo lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo lagu soo koobayo qodobada laga heshiiyay iyo kuwa weli u baahan wada-xaajood dheeraad ah.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan khilaaf xooggan oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan hoggaanka Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo Maamulada Puntaland iyo Jubbaland

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles