Wednesday, June 17, 2026

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kadib maalin ka hor uu baaqday kulankooda.

Sida ku cad farriin rasmi ah oo loo diray Xildhibaanada, kulanka maanta ayaa lagu qabanayaa xarunta Villa Hargeysa, iyadoo ajendaha ugu weyn uu yahay

Akhrinta 2aad iyo codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, oo ay ka mid yihiin:

Muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka

Doodaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka KMG ah

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada

Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu sii wado kulamadiisa toddobaadkan, iyadoo laga sugayo go’aano miisaan leh oo saameyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si adag looga doodi doono qodobbada muranka dhaliyay ee dastuurka iyo doorashooyinka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles