Monday, May 25, 2026

Go’aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka ee labada Beelood, Sacad iyo Leelkase, ayaa soo saaray qodobo dhammeystir u ah nabadaynta colaaddii Galbeedka Mudug.

Go’aannadan ayaa loogu talagalay in ay soo afjaraan colaadda ayna horseedaan nabad waarta oo ka dhaqan gasha galbeedka gobolka Mudug. Fulinta iyo ilaalinta qodobadan waxay keeni kartaa in ay labada beelood ku noolaadaan nabad iyo wada noolaansho waarta, iyadoo laga fogaanayo isku dhac iyo khilaafyo mustaqbalka.

Dhinacyada oo shir ku yeeshay deegaanka Maygaagta ee galbeedka gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay qodobada dhammeystirka fulinta go’aamadii xabbad-joojinta ee colaadda labada beelood ee ku dagaallamay galbeedka gobolka Mudug.

Waxaa la go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhammeystirka fulinta qodobadii xabbad-joojinta iyo kala qaadista maleeshiyaadka beelihii dagaallamay, islamarkaana ciidamada qaabilsan amniga ay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah.

Waxaa sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo degaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay, waxaana loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelood in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac.

5-ta Agoosto, 2024 ayaa loo asteeyay in uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhammeystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in wadahadallada gogoshu ay ku koobnaadaan odayaasha labada dhinac, iyadoo maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan mar walba, lana xallinayaan wixii ay isku fahmi waayaan, sidoo kalana ay farsamo ahaan hagayaan maamulka shirka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta...

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo...

Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo...

Kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo kordhiyay weerarrada Gacanka Cadmeed

Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta badda ee Maritime...

Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles