Xuutiyiinta oo u Hanjabay Dowladaha Carabta

Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa jawaab adag ka bixiyey weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin, iyagoo sidoo kale hanjabaado culus u diray qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Bayaan ay soo saareen, Xuutiyiinta ayaa si kulul u cambaareeyey weerarada Israa’iil iyagoo ku tilmaamay “falal gardarro ah oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin.”

Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay in haddii weerarada Israa’iil aysan joogsan, ay qaadi doonaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah danaha Israa’iil ee gobolka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen qaar ka mid ah dowladaha Carabta inay ku lug leeyihiin xasuuqa loo geysanayo Falastiiniyiinta,.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan taageeradooda dhanka hubka iyo maalgelinta ee ay siinayaan kooxaha iska caabinta Falastiin, iyagoo balanqaaday inaysan marnaba ka tanaasuli doonin difaaca qadiyadda Falastiin.

Hanjabaadan ayaa imanaysa xilli xiisaddu ay cirka isku sii shareertay kadib markii Xuutiyiintu weerareen caasimadda Israa’iil, taasi oo keentay in Israa’iil ay ka jawaabto duqeyntaas. Kooxdan yar ayaa laf dhuun gashay ku noqotay reer galbeedka. Dowladaha Carabta ayaa weli ka hadlin hanjabaadaha Xuutiyiinta, balse falcelinta laga sugayo ayaa lagu qiimeyn doonaa saameynta ay yeelan karto oo ah mid sareysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles