Saturday, December 27, 2025

Xuutiyiinta oo u Hanjabay Dowladaha Carabta

Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa jawaab adag ka bixiyey weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin, iyagoo sidoo kale hanjabaado culus u diray qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Bayaan ay soo saareen, Xuutiyiinta ayaa si kulul u cambaareeyey weerarada Israa’iil iyagoo ku tilmaamay “falal gardarro ah oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin.”

Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay in haddii weerarada Israa’iil aysan joogsan, ay qaadi doonaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah danaha Israa’iil ee gobolka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen qaar ka mid ah dowladaha Carabta inay ku lug leeyihiin xasuuqa loo geysanayo Falastiiniyiinta,.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan taageeradooda dhanka hubka iyo maalgelinta ee ay siinayaan kooxaha iska caabinta Falastiin, iyagoo balanqaaday inaysan marnaba ka tanaasuli doonin difaaca qadiyadda Falastiin.

Hanjabaadan ayaa imanaysa xilli xiisaddu ay cirka isku sii shareertay kadib markii Xuutiyiintu weerareen caasimadda Israa’iil, taasi oo keentay in Israa’iil ay ka jawaabto duqeyntaas. Kooxdan yar ayaa laf dhuun gashay ku noqotay reer galbeedka. Dowladaha Carabta ayaa weli ka hadlin hanjabaadaha Xuutiyiinta, balse falcelinta laga sugayo ayaa lagu qiimeyn doonaa saameynta ay yeelan karto oo ah mid sareysa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga, Masar iyo Jabuuti oo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil

Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii u horreeyay...

Israa’iil oo shaacisay inay aqoonsatay Somaliland

War ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay...

Fahad Yaasiin oo fariin digniin u diray MW Cirro

Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Ha’ayada Nabadsugida iyo Sirdoonka...

Dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/Shabeelada Dhexe

Dagaalka culus ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanada...

Baarlamaanka Carabta oo taageeray doorashada ka dhacday Muqdisho

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles