Wasiirka Dastuurka KGS oo maanta gaaray Magaalada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Barre, ayaa maanta gaaray  magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda wasaaradda oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee wasaarada Dastuurka Abshir Abdinuur Deero.

Wafdiga wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiinta degmada, xubno ka tirsan maamulka gobolka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka ayaa ah Kulanka Wacyi-gelinta Bulshada Rayidka ah, Haweenka Dhalinyarada, Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Dadka Baahiyaha ah qaba iyo dadka la hayb Sooco ee ku saabsan Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya

Wasiir Barre ayaa horey u sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay in la dhiso dastuur dhamaystiran oo ku saleysan rabitaanka shacabka, loona maro hannaan daahfuran, wadatashi ah, isla markaana xoojiya nidaamka federaalka ee dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeed ayaa horey wadatashi ballaaran uga samaysay magaalooyin dhowr ah, iyadoo qorshuhu yahay in dhammaan deegaanada Koofur Galbeed laga helo aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka dastuurka deegaanka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles