Thursday, April 30, 2026

Wasiirka Dastuurka KGS oo maanta gaaray Magaalada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Barre, ayaa maanta gaaray  magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda wasaaradda oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee wasaarada Dastuurka Abshir Abdinuur Deero.

Wafdiga wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiinta degmada, xubno ka tirsan maamulka gobolka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka ayaa ah Kulanka Wacyi-gelinta Bulshada Rayidka ah, Haweenka Dhalinyarada, Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Dadka Baahiyaha ah qaba iyo dadka la hayb Sooco ee ku saabsan Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya

Wasiir Barre ayaa horey u sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay in la dhiso dastuur dhamaystiran oo ku saleysan rabitaanka shacabka, loona maro hannaan daahfuran, wadatashi ah, isla markaana xoojiya nidaamka federaalka ee dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Dastuurka Koofur Galbeed ayaa horey wadatashi ballaaran uga samaysay magaalooyin dhowr ah, iyadoo qorshuhu yahay in dhammaan deegaanada Koofur Galbeed laga helo aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka dastuurka deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles