Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Trump oo Dib Ugu Soo Laabtay Ololaha Doorashada Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii shalay dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib marki uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga bilaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka. Trump ayaa markaan ololaha ku wehliyay ninka uu u xushay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeen, D.J. Vanve.

“Waxay aheyd hal todobaad ka hor, xittaa saacadda iyo xitaa daqiiqadda. Fadliga ALLA dartiis ayaan hortiinna ku taaganahay. Ee halkaan ma joogeen,” ayuu Trump ku yiri dadkii isugu soo baxay fagaaraha uu ka hadlay.

Toogashadii 13-kii bishi hore ee uu wiil hubeysani isku dayay in uu ku khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, ayaa aad u gilgishay guud ahaan Mareykanka, iyadoo si isku mid ah loo wada cambaareeyay.

Hal qof ayaa ku dhintay halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawacmeen. Ciidanka ilaalada gaarka ah ayaa dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2016-kii ayuu Trump ku guuleystay gobolka Michigan, oo in ka badan 10,000 oo cod kaga sarreeyay Hillary Clinton. Laakiin doorashadii ugu dambeysay ee 2020-kii, waxaa codad dhan 154,000 uga badiyay madaxweyne Biden

WARARKII KALE

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles