Sunday, July 12, 2026

Madaxweyne Trump oo Dib Ugu Soo Laabtay Ololaha Doorashada Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii shalay dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib marki uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga bilaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka. Trump ayaa markaan ololaha ku wehliyay ninka uu u xushay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeen, D.J. Vanve.

“Waxay aheyd hal todobaad ka hor, xittaa saacadda iyo xitaa daqiiqadda. Fadliga ALLA dartiis ayaan hortiinna ku taaganahay. Ee halkaan ma joogeen,” ayuu Trump ku yiri dadkii isugu soo baxay fagaaraha uu ka hadlay.

Toogashadii 13-kii bishi hore ee uu wiil hubeysani isku dayay in uu ku khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, ayaa aad u gilgishay guud ahaan Mareykanka, iyadoo si isku mid ah loo wada cambaareeyay.

Hal qof ayaa ku dhintay halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawacmeen. Ciidanka ilaalada gaarka ah ayaa dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2016-kii ayuu Trump ku guuleystay gobolka Michigan, oo in ka badan 10,000 oo cod kaga sarreeyay Hillary Clinton. Laakiin doorashadii ugu dambeysay ee 2020-kii, waxaa codad dhan 154,000 uga badiyay madaxweyne Biden

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirada arimaha dibadda Pakistan iyo Iran oo qadka taleefanka ku wada hadlay

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq...

Ciidamada IRG oo sheegay in ay gantaal ku soo rideen dibadda magaalada Khorramabad

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran IRG ayaa sheegay in ay...

Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland oo is casilay iyo mid cusub oo la doortay

Guddoomiyahii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadda...

Amiirkii hore ee Qatar oo geeriyooday

Amiirkii hore ee dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa...

Maalintii Labaad oo Xiran Suuqyada Boosaaso iyo Muran ka taagan Canshuuraha Cusub ee Dekedda

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran suuqyada iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles