Thursday, April 30, 2026

Farmaajo muxuu ka yiri wadahadalada u billowday MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay Bayaankii ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku tilmaamay mid noqon kara bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka.

“Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sidoo kale usoo jeediyay in uu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka, sidaa darteed waxaa uu lagama maar-maan ku tilmaamay in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles