Tuesday, August 18, 2026

Duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo shir ugu socday guri ku yaalla Aadan Yabaal

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay guri ku yaala degmada Aadan Yabaal, halkaasi waxaa la sheegay inuu shi ugu socday horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha Al-shabaab.

“Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo ku sugnaa Degmada Aadan Yabaal oo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe.” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa intaasi lagu daray “Howlgalkaasi ayaa lagu fuliyay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.”

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Hoygaasi lagu weeraray horjoogayaasha ayaa warku intaa raaciyay in uu ahaa keydka qaraxyada iyo hubka culus ee kocdaasi,waxaana fabi ahaan la burburiyay gurigaasi iyo wixii ku jiray”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles