Tuesday, July 1, 2025

Duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo shir ugu socday guri ku yaalla Aadan Yabaal

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay guri ku yaala degmada Aadan Yabaal, halkaasi waxaa la sheegay inuu shi ugu socday horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha Al-shabaab.

“Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo ku sugnaa Degmada Aadan Yabaal oo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe.” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa intaasi lagu daray “Howlgalkaasi ayaa lagu fuliyay guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, halkaasi oo ay shir ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta.”

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Hoygaasi lagu weeraray horjoogayaasha ayaa warku intaa raaciyay in uu ahaa keydka qaraxyada iyo hubka culus ee kocdaasi,waxaana fabi ahaan la burburiyay gurigaasi iyo wixii ku jiray”.

WARARKII KALE

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles