Tuesday, December 16, 2025

Iran oo fulisay mowjado dilal iyo xarig isugu jira ka dib dagalkii Israa’iil

Maamulka Iran ayaa fuliyay mowjado xarig iyo xukuno di loo kala kuwaas oo lagu fuliyay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha sirdoonka Israa’iil, kaddib dagaalkii dhawaan dhexmaray labada dal.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay tallaabadan hogaamiyeyaasha dalkaas ku tilmaameen inay tahay mid aan hore loo arag oo ay ku soo xad-gudbeen laamaha ammaanka Iran isla markaana ay ku kaceen wakiillo Israa’iiliyiin ah.

Mas’uuliyiinta ayaa tuhunsan in macluumaadka la siiyay Israa’iil ay qeyb ka qaateen dilal joogto ahaa oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare intii uu socday dagaalka.

Dadkaas waxaa kamid ahaa Hossein Salami, taliyihii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC)

Weerarada Israa’iil ayaa sidoo kale lala beegsaday tiro kale oo saameyn ku leh barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan lix saynisyahano nukliyeer ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka Tasnim ee xiririka la leh IRGC.

Dadka reer Iran waxa aanay isku mid ka ahayn waa basaasnimada. Mossad, sirdoonka Israa’iil waa laga tiro badan yahay. Deegaan kuma laha dalkaas, laakinse waxay la socdaan waxa ay samaynayaan saynisyahanada Iiraan.

Waxay ka qeyb galayaan shirar lala yeelanayo jeneraalada Iiraan. Waxay u noqotay rooxaan aysan arki karin Iiraaniyiinta. Mossad waxaa laga yaabaa inay hayso xog aysan maamulka Iran haynin.

Mossad ma aysan galin dhamaadkii dagaalka iyo habeenki dagaalka. Waxay ku sugnaayeen Iran.

Mas’uuliyiinta Iran waxay beegsadeen cid kasta oo lagu tuhmo inay la shaqaynayso sirdoon shisheeye, iyagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu sugayo amniga qaranka.

Maalinkii 12-aad ee dagaalka, Iran waxay daldashay sadeex ninoo looga shakisanaa inay u basaasen Israa’iil.

Mas’uuliyiintu waxay shaaciyeen in boqolaal qof la xiray. Kuwaas oo looga shakisanyahay basaasnimo.

WARARKII KALE

Wasiirka arrimaha gudaha oo qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobay

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowkadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirrada Ganacsiga

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax...

Koofur Galbeed oo diiday ka qeyb galka Tartanka Ciyaaraha dalka”

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee  Koofur Galbeed, oo kaashanaysa...

Xubno ka socda Madasha Mucaaradka oo gaaray Kismaayo

Xubnihii ugu horreeyay ee Madasha Mucaaradka ayaa maanta gaaray...

Wafuud ku sii qul qulaysa Kismaayo iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Wafuud kala duwan oo ka tirsan mucaaradka iyo siyaasiyiin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles