Tuesday, August 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhamaal Hambalyo Ah U diray Dowlada iyo Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 48-aad ee xorriyadda dalkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles