Wednesday, April 29, 2026

Iran oo fulisay mowjado dilal iyo xarig isugu jira ka dib dagalkii Israa’iil

Maamulka Iran ayaa fuliyay mowjado xarig iyo xukuno di loo kala kuwaas oo lagu fuliyay dad looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha sirdoonka Israa’iil, kaddib dagaalkii dhawaan dhexmaray labada dal.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay tallaabadan hogaamiyeyaasha dalkaas ku tilmaameen inay tahay mid aan hore loo arag oo ay ku soo xad-gudbeen laamaha ammaanka Iran isla markaana ay ku kaceen wakiillo Israa’iiliyiin ah.

Mas’uuliyiinta ayaa tuhunsan in macluumaadka la siiyay Israa’iil ay qeyb ka qaateen dilal joogto ahaa oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare intii uu socday dagaalka.

Dadkaas waxaa kamid ahaa Hossein Salami, taliyihii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC)

Weerarada Israa’iil ayaa sidoo kale lala beegsaday tiro kale oo saameyn ku leh barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan lix saynisyahano nukliyeer ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka Tasnim ee xiririka la leh IRGC.

Dadka reer Iran waxa aanay isku mid ka ahayn waa basaasnimada. Mossad, sirdoonka Israa’iil waa laga tiro badan yahay. Deegaan kuma laha dalkaas, laakinse waxay la socdaan waxa ay samaynayaan saynisyahanada Iiraan.

Waxay ka qeyb galayaan shirar lala yeelanayo jeneraalada Iiraan. Waxay u noqotay rooxaan aysan arki karin Iiraaniyiinta. Mossad waxaa laga yaabaa inay hayso xog aysan maamulka Iran haynin.

Mossad ma aysan galin dhamaadkii dagaalka iyo habeenki dagaalka. Waxay ku sugnaayeen Iran.

Mas’uuliyiinta Iran waxay beegsadeen cid kasta oo lagu tuhmo inay la shaqaynayso sirdoon shisheeye, iyagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu sugayo amniga qaranka.

Maalinkii 12-aad ee dagaalka, Iran waxay daldashay sadeex ninoo looga shakisanaa inay u basaasen Israa’iil.

Mas’uuliyiintu waxay shaaciyeen in boqolaal qof la xiray. Kuwaas oo looga shakisanyahay basaasnimo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles