Israa’iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan Gaza

Israa’iil ayaa ku amartay Falastiiniyiinta in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah waqooyiga Qaza ka hor inta aan la kordhin dhaq dhaqaaqa militari, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado heshiis xabbad joojin ah.

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Gaza iyo Jabalia ayaa loo sheegay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed dhanka xeebta ee al-Mawasi iyadoo howlgallada militariga Israa’iil ay “xoojiyeen oo ay u badiyeen dhanka galbeed”.

Ugu yaraan 86 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil 24 saac ka hor duhurnimadii Axadda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Saddex carruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerar lagu qaaday waxa loogu yeero “aagga nabdoon” ee al-Mawasi, waalidkood ayaa sheegay. Trump ayaa ku celceliyay baaqyada ah in “heshiiska lagu sameeyo Gaza” oo “la soo celiyo la haystayaashii”.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles