Thursday, March 12, 2026

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, munaasabad ku aaddan xuska 65 guurada maalinta xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, oo ku beegan 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa ubax dhigista ku muujiyay xusuusta halgamayaashii naftooda u huray xornimada dalka iyo mideyntii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qaran, isaga oo xusay muhiimadda midnimada, waddaniyadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Madaxweynaha waxaa ubax dhigista ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan, oo cutubyo ka tirsan booliska salaan sharaf uga qaaday Madaxweynaha.

Intaa ka dib, Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay dhoolatus milatari oo lagu muujinayey awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dhoolatuska ayaa waxaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal, diyaarado dagaal iyo hub casri ah, taasoo muujisay horumarka la taaban karo ee lagu sameeyay dhismaha iyo tayeynta ciidamada dalka.

Munaasabaddan qaran ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay guud ahaan caasimadda iyo gobollada dalka, iyadoo xambaarsan xusuus qaran, halgan iyo rajo Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles