MW Xasan Sheekh “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isagoo ku bogaadiyay sida wadaninimada leh ee ay shacabka iyo qurba-joogtu ay u xuseen sannadkan.

“Xuska Todobaadka Xorriyadda waa maalmo aan dib ugu jaleecno halka uu hayaankeenu ka soo bilowday, jidka dheer ee aan soo marnay, iyo himilada aan hiigsanayno. Waa waajib qaran in la xasuusto halgankii sharafta lahaa ee horseeday xornimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay xoojinta midnimada dalka, dib u heshiisiinta iyo dhammeystirka hannaanka dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo walaalaha Somaliland.

“Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan, loogana wada shaqeeyo xal u helidda arrimaha taagan, si aynu u xaqiijino dareenkeenna walaaltinimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shacabka ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaalka ay ugu jirto sugidda amniga, xoreynta dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta iyo gaarsiinta dalka doorasho toos ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles