Diyaarad Milateri oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Dhawaqa xooggan ee laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ahaa Diyaarad Diyaar Helicopter ah oo ay leedahay Atmis ayaa ku dhacday agagaarka teendhada Afisyooni ee xeendhaabka Xalane ee magaalada Muqdisho

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay jirto qasaara ah dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in diayaaradaha cilad farsamo ay ku ytimid  xilli ay isku dayaysay inay si deg deg ah u degto, balse diyaaraddu ayaa ugu dambeyn dab qabsaday, taasoo keentay in gebi ahaanba ay bas beesho.

Wararka ayaa tilmaamay in diyaarada ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta.

Shilka kadib waxaa garoonka is qabsaday uuro madow, iyadoona xiligan uu socdo gurmad xooggan oo ay sameynayaan gaadiidka dab damiska ah.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay diyaaradaha ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cade Muqdisho.

Sidoo kale ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dowladdda Soomaaliya.

Waxaa weli  socdo dadaal xoog leh oo diyaarada looga qaadi doono goobta ay ku dhacday.

Sidoo kale wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaaradaha ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles