Sunday, June 21, 2026

Diyaarad Milateri oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Dhawaqa xooggan ee laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ahaa Diyaarad Diyaar Helicopter ah oo ay leedahay Atmis ayaa ku dhacday agagaarka teendhada Afisyooni ee xeendhaabka Xalane ee magaalada Muqdisho

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay jirto qasaara ah dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in diayaaradaha cilad farsamo ay ku ytimid  xilli ay isku dayaysay inay si deg deg ah u degto, balse diyaaraddu ayaa ugu dambeyn dab qabsaday, taasoo keentay in gebi ahaanba ay bas beesho.

Wararka ayaa tilmaamay in diyaarada ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta.

Shilka kadib waxaa garoonka is qabsaday uuro madow, iyadoona xiligan uu socdo gurmad xooggan oo ay sameynayaan gaadiidka dab damiska ah.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay diyaaradaha ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cade Muqdisho.

Sidoo kale ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dowladdda Soomaaliya.

Waxaa weli  socdo dadaal xoog leh oo diyaarada looga qaadi doono goobta ay ku dhacday.

Sidoo kale wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaaradaha ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aadan Madoobe oo maanta wareejiyay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

DF oo war ka soo saartay dagaalka Jalalaqsi iyo wafdi nabadeed oo loo diray degmada

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal beeleedka...

Ciidanka xoogga oo Jubbada Hoose ku qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal...

RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

QoorQoor iyo Mahad Salaad oo wada-hadallo ugu socda Dhuusamareeb 

Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles