Monday, June 8, 2026

DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen ciidanka midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha muqdisho.

Diyaaraddan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.

Maareeyaha ayaa sheegay in ay shilkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifinta garoonka lana xakameeyay xaaladda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullimaadyadii caadiga ahaa ee iman jiray garoonka muqdisho iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacayna ay u xireen howlwadeennada loo xilsaaray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles