DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen ciidanka midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha muqdisho.

Diyaaraddan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.

Maareeyaha ayaa sheegay in ay shilkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifinta garoonka lana xakameeyay xaaladda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullimaadyadii caadiga ahaa ee iman jiray garoonka muqdisho iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacayna ay u xireen howlwadeennada loo xilsaaray.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles