Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta oo Banaanbax ka dhigaya Isgoyska KM4 ee Muqdisho

Waxaa maanta isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta, kuwaas oo ka cabanaya lacago ay sheegeen in laga qaado iyo jirdil ay sheegeen in ciidamada ammaanku kula kacaan.

Dhalinyaradan ayaa xirtay isgoyska KM4, taasoo sababtay in la hakiyo isku socodka gaadiidka, waxaana  Ciidamada ammaanka ay isku dayayaan inay kala eryaan banaanbaxayaasha, iyagoo isticmaalaya rasaas iyo awood ciidan.

Mid kamid ah dhalinyarada ka qeyb qaadaneysay mudaharaadka ayaa warbaahinta u sheegay in “Waxaan ka shaqeysan la’ nahay ciidamada oo na dhibaateeya, lacag xoog ah ayey naga qaadaan, mid naga mid ahna maanta waa la dhaawacay.”

Sidoo kale Dhalinyarada ayaa sheegay in loo diiday in ay maraan wadooyinka Muqdisho, iyadoo sheegay in ay haystaan sharciga ay siisay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna dalbadeen in laga dulqaado culeyska la saaray.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama laamaha amniga oo ku saabsan arrintan.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiisaddu sii kororto haddii xal degdeg ah laga gaari waayo cabashooyinka dhalinyarada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles