Maxay ka wadahadleen RW ku xigeenka Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Sevilla ee dalka Spain kulan doceed kula yeeshay Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaas ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Taageerada horumarinta dhaqaalaha dalka iyo Dardargelinta mashaariicda muhiimka ah ee taageera nabadda iyo horumarka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Marwo Amina Mohamed doorkii muuqday ee Qaramada Midoobay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo fulinta mashaariicda horumarineed si ay uga qayb qaataan kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay xiriirka caalamiga ah u adeegsato kor u qaadista horumarka dalka iyo yareynta saboolnimada.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles