Friday, June 19, 2026

Maxay ka wadahadleen RW ku xigeenka Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Sevilla ee dalka Spain kulan doceed kula yeeshay Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaas ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Taageerada horumarinta dhaqaalaha dalka iyo Dardargelinta mashaariicda muhiimka ah ee taageera nabadda iyo horumarka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Marwo Amina Mohamed doorkii muuqday ee Qaramada Midoobay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo fulinta mashaariicda horumarineed si ay uga qayb qaataan kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay xiriirka caalamiga ah u adeegsato kor u qaadista horumarka dalka iyo yareynta saboolnimada.

WARARKII KALE

Mareykanka oo eedeyn u jeediyay Israa’iil

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa dhaliil u jeediyay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles