Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Doha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo Isniinta maanta ah ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo ay gaareen qeybaha kala duwan ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, shirka ayaa socon doona muddo labo cisho ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa halkaas ka jeedinaya khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ka hadlaysa horumarka dalka iyo midnimada Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo kaashaneysa dowladda Qatar, waxaana xoogga lagu saari doonaa kaalinta muhiimka ah ee Qurbajoogta iyo jiheynta awoodooda, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka dalka.

WARARKII KALE

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles