Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geystay degmada Qoryoolay

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq-yaraha degmadaas, taas oo sababtay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, weerarkan ayaa sababay geerida hal qof iyo dhaawaca laba kale.

Qofka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Shiikhaaley, oo la sheegay inay ahayd haweenay suuqa ku ganacsan jirtay si ay nolol ugu raadiso qoyskeeda.

sidoo kale laba qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen maleeshiyaadka, kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo mid ka mid ah cisbitaalada ku yaala degmada Qoryooley gobolka shabeelaha hoose.

Falka kadib maleeshiyaadkii hubeysnaa ee rasaasta furay ayaa isaga baxsaday goobta.

Dadka deegaanka ayaa Cabsi xoogan ka muujiyey Falka ay geesteen Maleeshiyaadka hubeysan iyaga oo mar kale ka baqaya in dhacdo taa lamid ah ay deegaanka ka dhacdo.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, mana jirto cid si rasmi ah loo xiray ama loo tuhunsan yahay falkaas.

Inta badan dagmada qoryooley ee gobolka sh.hoose waxaa ka dhaca dagaal beeleeyo sababa dhimasho iyo dhaawac.

WARARKII KALE

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

Deni oo Garoowe ka wada kulamo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xasaasi ah...

Maxaa ka cusub dagaalka ka socda Moyale?

Kumannaan qoys ayaa ka barakacay guryahoodii, ganacsiyo ayaa albaabada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles