Saturday, August 1, 2026

Dood adag oo maanta dhexmari doonto MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta madasha mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan xasaasi ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa si weyn looga doodi doonaa afar qodob oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah

1. Wax ka bedelka Dastuurka oo madaxweynuhu ogolaaday in laga wadahadlo.

2. Iyo Hannaanka Doorashooyinka oo La raadinayo Doorasho heshiis lagu yahay.

3-Adekeynta midnimada dalka,

4-Amniga iyo ciribtirka argagixisada,

Kulanka maanta ay Madasha mucaaradka la qaadanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee labada dhinac, waxaana dhinacyada dhex mari doono dood adag oo ku saabsan qodobadda la isku khilaafsan yahay.

Dooda adag kadib ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warmurtiyeed ay ku heshiiyeen, iyadoona si weyn isha looga hayo natiijada ka soo bixi doono shirkooda.

WARARKII KALE

AFRICOM”Mareykanku Ma qorsheynayo Aqoonsiga Somaliland iyo Saldhig Ciidan oo uu ka dhisto Deegaannadeeda”

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin...

Firdhiye oo la kulmay saraakiil ka socota DF iyo qorshaha taliska cusub oo socda

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furaya Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

Villa Hargeysa ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi...

Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerari doono Iiraan iyo jawaabta ay Terhaan ka bixisay

Warbaahinta The Wall Street Journal iyo CBS  News ayaa sheegay in...

Trump oo ka hadlay cidda gaysatay weerar internet-ka ah oo ka dhacay Minnesota

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu rumaysnayn...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles