Dood adag oo maanta dhexmari doonto MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta madasha mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan xasaasi ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa si weyn looga doodi doonaa afar qodob oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah

1. Wax ka bedelka Dastuurka oo madaxweynuhu ogolaaday in laga wadahadlo.

2. Iyo Hannaanka Doorashooyinka oo La raadinayo Doorasho heshiis lagu yahay.

3-Adekeynta midnimada dalka,

4-Amniga iyo ciribtirka argagixisada,

Kulanka maanta ay Madasha mucaaradka la qaadanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee labada dhinac, waxaana dhinacyada dhex mari doono dood adag oo ku saabsan qodobadda la isku khilaafsan yahay.

Dooda adag kadib ayaa waxaa la filayaa in dhinacyada ay soo saaraan warmurtiyeed ay ku heshiiyeen, iyadoona si weyn isha looga hayo natiijada ka soo bixi doono shirkooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles