Wafdi uu horkacayo Joseph Ntakirutimana oo dalka soo gaaray

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka  Bulshada Bariga Afrika Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Habdhowraha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa xubnaha wafdiga ee ka socday baarlamaanka urur goboleedka bulshada bariga Afrika kusoo dhoweysay Magaaladda Muqdisho.

Intaasi ka dib guddoomiyaha baarlamaanka ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa,mudada uu joogana uu kulamo la qaadan doono guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanadda labada Aqal.

Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka ayaa sheegay in ay casuumad rasmi ah ka heleen guddoonka baarlamaanka dalka.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa sheegey in baarlamaanka Soomaaliya uu ku guda jiro xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga  Joseph NTAKIRUTIMANA waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Iman Falhada Dekow,John N. Mutega oo ah habdhowre kuxigeenka Baarlamaanka bulshada Bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana.

WARARKII KALE

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles