Wednesday, June 24, 2026

Wasiir Fiqi oo dhaliilay ganacsato weli dhaqaale siiya Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul u dhaliilay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi  ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horay u xirtay agabyo badan oo kooxdaasi isticmaali jirtay, sida qalabka isgaarsiinta iyo badeecooyin gaar ah oo loo adeegsan jiray weerarada.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in wali ay jiraan ganacsato si ula kac ah u maalgeliya kooxda, taasoo uu ku tilmaamay khatar weyn oo amniyeed.

“Waa wax laga xumaado in ganacsato Soomaaliyeed ay lacago u geeyaan Al-Shabaab, xilli ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii looga adkaan lahaa kooxdan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirku wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda ay diyaarinayso qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku dhuftay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono ganacsatada lagu helo taageerada argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan fal kasta oo gacan siinaya kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles