Wasiir Fiqi oo dhaliilay ganacsato weli dhaqaale siiya Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul u dhaliilay ganacsato Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi  ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay horay u xirtay agabyo badan oo kooxdaasi isticmaali jirtay, sida qalabka isgaarsiinta iyo badeecooyin gaar ah oo loo adeegsan jiray weerarada.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in wali ay jiraan ganacsato si ula kac ah u maalgeliya kooxda, taasoo uu ku tilmaamay khatar weyn oo amniyeed.

“Waa wax laga xumaado in ganacsato Soomaaliyeed ay lacago u geeyaan Al-Shabaab, xilli ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii looga adkaan lahaa kooxdan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirku wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda ay diyaarinayso qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku dhuftay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono ganacsatada lagu helo taageerada argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan fal kasta oo gacan siinaya kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles