Dagaal culus oo saaka ka socda duleedka degmada Moqokori ee G/Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo duleedka degmada Moqokori ee Gobolkaasi, waxaa uuna dagaalka uu u dhexeeya ciidamada dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka Xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Gumare ee duleedka degmada Moqokori, waxaana saaka dagaalka qaaday ciidamada deegaanka, iyagoona weeraray fariisamo ay maleeshiyaadka Al-shabaab halkaasi ay ku leeyihiin.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda  ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo la sheegay inay isku aruursanayeen deegaanka Gumare, iyadoona ugu dambeyntii uu qarxay dagaal culus.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Hiiraan, Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles