Saturday, November 15, 2025

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil iyo Imaaraatka oo ka wadahadlay xabbad joojinta Qaza

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay Jimcihii inuu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka Abu Dhabi, ayna ka wada hadleen dadaalada lagu xaqiijin karo xabbad joojin ka dhacda Qaza.

Lapid ayaa kusoo daabacay sawir ay ku wada jiraan isaga iyo Sheekh Cabdullaahi bin Zayed barta X, isaga oo sheegay, ‘’Waxaan la joogaa saaxiibkeey, wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka, oo habeen hore [Khamiis] kula kulmay Abu Dhabi. Waxaynu ka wada hadalnay horumarada ka socda gobolka iyo dadaalada lagu gaarayo heshiis ka dhaca Qaza iyo soo celinta lahaystayaasha’’.

Wakaalada wararka rasmiga ee Imaaraatka, WAM, ayaa xaqiijisay kulanka Lapid iyo Sheekh Cabdullaahi, laakiin ma aysan magacaabin la kulanka madaxweynaha Imaaraatka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, kaasi oo Lapid uu sheegay inuu sidoo kale kula kulmay Abu Dhabi

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles