Friday, March 13, 2026

Askar ka tirsan Puntland oo qarax lagula eegtay Gobolka Bari

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa ku geeriyootay, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax lagu beegsaday gaari ciidan oo marayay wadada u dhaxaysa Turmasaale iyo Afka Curaar, oo katirsan Degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo ciidan oo maraysay goobta, waxaana wararka ay sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidka ciidan uu haleelay qaraxa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Askarta ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay xarumo caafimaad, iyadoo xaaladooda caafimaad halkaasi lagula tacaalayo.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysa weerarka, hase yeeshee gobolka Bari ayaa marar badan waxaa ka dhacay weerarro sidan oo kale ah oo lala beegsaday ciidamada ammaanka.

Sidoo kale gobolka Bari ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo dagaalameyaasha kooxda Daacish.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Cabdirabbi Nuur ayaa gaarey fariisiamda ay ciidanka difaaca dowladda Puntland kaga sugan yihiin buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Agaasime Cabdirabbi ayaa ugu horrayn booqday saldhigyada guuto 1-aad oo ay qayb ka yihiin ciidamada PMPF ee ku sugan Baallade iyo Miiraale.

Waxa uu kulamo la qaatay Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo Ciidamada ayaa ku bogaadiyey guulaha dhaxalgal ka ah ee ay kasoo hooyeen hawlgalka Hilaac, kuwaasi oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,

WARARKII KALE

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles