Monday, January 26, 2026

Askar ka tirsan Puntland oo qarax lagula eegtay Gobolka Bari

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa ku geeriyootay, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax lagu beegsaday gaari ciidan oo marayay wadada u dhaxaysa Turmasaale iyo Afka Curaar, oo katirsan Degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo ciidan oo maraysay goobta, waxaana wararka ay sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidka ciidan uu haleelay qaraxa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Askarta ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay xarumo caafimaad, iyadoo xaaladooda caafimaad halkaasi lagula tacaalayo.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysa weerarka, hase yeeshee gobolka Bari ayaa marar badan waxaa ka dhacay weerarro sidan oo kale ah oo lala beegsaday ciidamada ammaanka.

Sidoo kale gobolka Bari ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo dagaalameyaasha kooxda Daacish.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Cabdirabbi Nuur ayaa gaarey fariisiamda ay ciidanka difaaca dowladda Puntland kaga sugan yihiin buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Agaasime Cabdirabbi ayaa ugu horrayn booqday saldhigyada guuto 1-aad oo ay qayb ka yihiin ciidamada PMPF ee ku sugan Baallade iyo Miiraale.

Waxa uu kulamo la qaatay Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo Ciidamada ayaa ku bogaadiyey guulaha dhaxalgal ka ah ee ay kasoo hooyeen hawlgalka Hilaac, kuwaasi oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,

WARARKII KALE

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles