Mareykanka oo sahay milatari ku taageeray ciidamada Puntland

Ciidanka difaaca Puntland ayaa xalay lagu taageeray sahay milatari iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo diyaarado Maraykan ah hawada kaga tuureen buuraleyda bartamaha Puntland, halkaas oo ay ciidamadu howlgallo ka wadaan.

Sahaydan ayaa laga raray garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana loo qeybiyay cutubyo ciidan oo ku sugan meelo ka tirsan buuraleyda Galgala iyo agagaarka Calmadow, halkaas oo ay howlgallo joogto ah ka wadaan si ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha Maraykanka ee hawada sare ka duulaya ayaa loo adeegsaday in sahayda si sax ah loogu tuuro meelaha ay ku sugan yihiin ciidanka, iyadoo ay adag tahay in sahay dhulka lagu gaarsiiyo sababo la xiriira degaanka buuraleyda ah ee aan gaadiidku marin karin.

Sahayda la geeyay ayaa la sheegay inay ka koobneyd, Cunto qalalan iyo biyaha nadiifta ah, Agabka caafimaadka degdegga ah, Rasaasta iyo qalabka isgaarsiinta iyo Bacaha hoyga, nalal, iyo qalab dheeri ah oo ay ciidamada u baahan yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa weli howlgal culus ka wada Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles