Monday, July 20, 2026

Wasiir Xoosh oo kulamo ka wada Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Xildhibaan Ali Yusuf Ali Xoosh ayaa kulamo ka wada Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo la dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatumo.

Wasiirka ayaa waxaa uu la kulmay Garaad C/laahi Garaad Saleeban Garaad Maxamed oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha SSC-Khaatumo, gaar ahaan Doorka dhaqanka ee xoojinta nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo geeddi socodka Dowlad dhiska.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenki hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh Iyo Siyaasi Axmed Karaash ayaa looga arrinsaday arrimaha SSC-Khaatumo, iyadoo laysla qaatay muhiimadda wadajirka iyo midnimada.

Kulamadan uu Wasiirka ka wado magaalada Laascaanood ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay uu baaqday shirweynaha dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatumo, kaasi oo cabasho ay ka keeneen siyaasiyiinta u taagan xilka madaxtinimada ee maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la xaliyay tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta, iyadoona qorshuhu uu yahay in beri uu furmo shirka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles