Wasiir Xoosh oo kulamo ka wada Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Xildhibaan Ali Yusuf Ali Xoosh ayaa kulamo ka wada Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo la dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatumo.

Wasiirka ayaa waxaa uu la kulmay Garaad C/laahi Garaad Saleeban Garaad Maxamed oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha SSC-Khaatumo, gaar ahaan Doorka dhaqanka ee xoojinta nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo geeddi socodka Dowlad dhiska.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenki hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh Iyo Siyaasi Axmed Karaash ayaa looga arrinsaday arrimaha SSC-Khaatumo, iyadoo laysla qaatay muhiimadda wadajirka iyo midnimada.

Kulamadan uu Wasiirka ka wado magaalada Laascaanood ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay uu baaqday shirweynaha dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatumo, kaasi oo cabasho ay ka keeneen siyaasiyiinta u taagan xilka madaxtinimada ee maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la xaliyay tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta, iyadoona qorshuhu uu yahay in beri uu furmo shirka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles