Abaanduulihii ururka 64-aad oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay Afgooye”

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax miino uu saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taala degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Allaha u naxariistee Dhame Maxamuud Saleebaan Salaad oo ahaa Abaanduulihii ururka 64aad, ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxii saaka ka dhacay gudaha xerada guutada 7aad oo ku taala degmada Afgooye ku taala, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Risaala.

Sidoo kale labo ka mid ah ilaaladiisa ayaa wax ku noqday, sida ay wararka sheegayaan.

Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn sababta keentay in qaraxa ka dhaco gudaha xerada iyo xogta ka dambeysay qaraxaasi, iyadoona warar kala duwan ay ka soo baxayaan geerida sarkaalkaasi.

Ciidamada ayaa baaritaano xoog leh wado, sidoo kale saraakiil ciidan ayaa tagay gudaha saldhiga.

Ma Jiro weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye iyo taliska Milateriga Soomaaliya.

Degmada Afgooye ayaa inta badan sidan oo kale waxaa ugu dhaco qarax, kaasi oo khasaare ka soo gaara dadka shacabka iyo ciidamada.

 

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles