Monday, June 8, 2026

UNHCR oo digniin u dirtay Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo joojinaya codsiyada magangalyo doonka.

“Sharciyada cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya soo gudbinta codsiyada magangalyo doonka ee mudada saddexda bilood ,gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalalka kale,isla markaana dib loo celiyo iyada oo aan la diiwaangalin”sida lagu sheegay hadal ka soo baxay hey’adda UNHCR.

Hay’addu waxay ka digtay in dadka lag celiyo ama la geeyo meel ay kala kulmi karaan halis ku timaada noloshooda,iyadoo dhanka kale dowladaha la xasuusiyay in aysan ka weecan Karin mabda’a muhiimka ah ee sharciga caalamiga ah.

UNHCR waxay qiratay cadaadiska ay abuureen dadkii qaxootiga ee dhawaan tagay deegaanada Gavdos iyo Crete, waxaana intaa la raaciyay in la xakameeyo xudduudaha dalkaasi,sida waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kuwa Yurub.

Hey’adda Qaxootiga Dunida waxay ku baaqday in lala yimaado isku-duubni iyo tallooyin wadaag ah oo khuseeya gudaha Midowga Yurub si loo taageero waddamada safka hore sida Giriigga ee ay ka jiraan qulqulka dadka magangalyo doonka ah

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles